|

Soomaaliya waa Waddankii ugu Musuq maasiqa badnaa Sanadkii 2018-Akhriso

Muqdisho (HM)-Hay’ada Daah-furnaanta Caalamka ee loo yaqaano Transparency International, ayaa soo saartay Warbixin diirada lagu saarayo waxyeellada musuqa uu ku hayo dalalka Caalamka iyo sida ay tahay in looga hortago.

Warbixintan oo ah mid Sanadkiiba mar soo baxdo, ayaa waxaa sanadkii dhamaaday 2018 uu ahaa Sahan ay Hay’adda ku sameysay 180 wadan oo Caalamka ah, kuwaasoo loo kala saaray kuwa uu naafeeyay musuqa iyo kuwa ka guuleystay ee dagaalka xooggan la galay.

Sida ku cad warbixintan Transparency International Soomaaliya ayaa ah wadanka kaalinta ugu hoose ka gashay Liiska dalalka uu hoos u dhigay musuqa Dimuqraadiyadda, waxaana ay keentay 10 dhibcood ama 10%, Sidaas waxaa lagu sheegay warbixintan, waxaana Jaantuskan cusub uu muujinayaa in 90% uu musuqa saameeyay Soomaaliya.

Wadamada Suuriya iyo Koofurta Suudaan ayaa helay min 13 dhibcood, halka Yemen iyo Waqooyiga Kuuriya ay heleen min 14 dhibcood, dalalka Afghanistan iyo Sudan ay heleen min 16 dhibcood.

Gobolka ugu musuqa badan Caalamka ayaa lagu sheegay inuu yahay waddamada ka hooseeya saxaraha Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay, waxaana ay tiradoodu gaareysaa 32 dal.

Hay’ada Transparency International ayaa dhinaca kale soo bandhigtay dalalka ugu horeeyay ee ka guuleystay Musuqa, waxaana ka mid ah Denmark oo keensatay 88 dhibcood iyo New Zealand oo la timidi 87 dhibcood.

Halkan hoose ka eeg Shaxda.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=71792

Posted by on Jan 29 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Soomaaliya waa Waddankii ugu Musuq maasiqa badnaa Sanadkii 2018-Akhriso”

  1. Bismillaah

    Hey`adan, waxan ay iska qortay, xaga Somaliya 99.9% waa mala awaal. Ilaa dawladii Carta, waa dawladii ugu daacadsanayd xaga la dagaalanka musuqmaasuqa, inkastoo rag ka mid ahaa dawladii hore ay ku jiraan golaha wasiirada sida ganacsiga, warfaafinta, arrimaha debeda, wey yar tahay musuq muuqda oo ay samayn karayaan 3daa wasaaradood. Hey`adaha reer galbeedka waxay ku shaqeeyaan al walaa wal baraa, kuwan ay amaaneen waa kuwa ay dhuuqaan dhaqaalahooda, kuwa ay durkiyeena waa kuwa ay karsanayaan si ay u helaan dhaqaalahooda. Warbixintan, ma aha xaqiiq, xujo loo soo qaato. WBT

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Nacas, beenwaas Horufadhi website.
  • mohamuud: soomaalidu waa caddow carabtuna waa walaalaheen?
  • mohamuud: iibsashada licence ka
  • mohamuud: war dadka waxba uma haysaane xaraash macnahheda malaha ma garanaysaan 20% hadii laina siiyo faaidaan qabnaa...
  • Rasta buuni: Ok