|

Gabadhii kaliya ee ku jirtay Xildhibaanada Maamul Gobaleedka Puntland oo kamid noqotay Gudiga Joogtada ah ee Baarlamanka..

Garoowe (HM)-Naciimo Cabdi Caarshe oo ah gabadha kaliya ee kamida Baarlamaanka cusub ee Dawlada Puntland ayaa kamid noqotay gudiga joogtada ah ee Baarlamaanka, kadib markii 56-cod ay kaga guulaysatay Saadiq Abshir Garaad oo Baarlamaanka kasoo mid ahaa tan iyo asaaskii Puntland 1998.

Gabadhan ayaa dhawaan warqad codsi ah u dirtay Baarlamaanka, taas oo ay kaga codsatay inay ku taageeraan kamid noqoashada gudiga joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland.

Baraha bulshada ayaa maalmihii u danbeeyey laga hadal hayey gabadhan iyo codsiga ay u dirtay Gollaha Wakiilada, iyadoo dadweynuhu uga hadlaayeen siyaabo kala duwan.

Naciimo ayaa laga soo doortaa gobalka Sool, waxayna isu aragtaa inay tahay Wakiilka kaliya ee Baarlamaanka ugu jira haweenka Puntland.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=71519

Posted by on Jan 21 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Gabadhii kaliya ee ku jirtay Xildhibaanada Maamul Gobaleedka Puntland oo kamid noqotay Gudiga Joogtada ah ee Baarlamanka..”

  1. Hambalyo iyo Salaan baan u diraya gabadhaas – Naciimo Cabdi Caarshe.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM