|

Daawo:-Garaad Saleebaan oo Puntland ugu hanjabay in uu Soomaliland soo hoggaamin doono haddii aan la joojin Xildhibaanada-Video

Garoowe  ( HM )-Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa dhawaaq dheer ku sheegay Musuq maasuq baaxad weyn in lagu sameeyay soo xulida Xildhibaanada cusub ee Puntland, wuxuuna ku baaqay inaan la dhaarin karin 5 Xildhibaan oo kuraasta baarlamanka kasoo galey Gobolladda Sool iyo Sanaag.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Magacyadda Xildhibaanada uu dalbadey Garaadku inaan laga dhaarin waxaa kala yihiin.

1. Saadiq Abshir Garaad,   2. Keyse Cawil Cali Boobe ,  3. Axmed Yaasiin Cabdi,  4. Cabdi Siciid Kafad  ,  5. Ismaaciil Cabdi Abtiile.

Sidoo kale Garaadka ayaa ku hanjabay haddii la baalmaro warka kasoo baxay sad dhexe oo caawa inuu ka huleeli doono GAROOWE iyo guud ahaan Puntland,islamarkaana uu usoo dabci doono heshiis dhexmara isaga iyo maamulka Somaliland oo uu soo Hogaamin doono.

Waa markii ugu horeysay taariikhda oo Issim fac-weyn uu qabsado Xildhibaano ay magacyadooda shaaciyeen guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka oo caawa warbaahinta usoo gudbiyay magacyadda 66 xubnood,lamana yaqaan sida laga yeeli doono waji gabaxaan lasoo darsadey Guddiga.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=70621

Posted by on Dec 31 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...