|

Puntland Yaa Badbaadin kara, kalana Badbaadin kara?.

Puntland Yaa Badbaadin kara, kalana Badbaadin kara?.

 

Waxa hubaal ah in Puntland maanta ay joogto heer ay u baahan tahay badbaadolaga rawo cadowgeeda iyo kala badbaadin laga gaadho dhexdeeda. Inkastoo dadka qaarkood laga yaabo inay dhibsadaan Tuducda ‘’Kala badbaadin kara’’, hadana indheergaradku waa ogyihiin gunta ujeedka hadalkaas iyo Ifafaallooyinka muuqda inay ka turjumayaan hadalkan. Markastoo ay kuu muuqdaan wax aad isleedahay dadkoo dhan uma wada muuqdaa, kaasoo noqon kara dhib iyo Saan saan aan wanaagsaneeyn meel Lexjeclo kaa hayso xalkuna wuxuu kula noqonayaa wax aan dad badan madaxa ku hayn iyo xataa xalka laftiisa oo laga yaabo inaan macquul loo arag inuu noqdo mid saxan. Laakiin fahamka guud ee xal raadistu xuduud uma yeelo inaad ka joogsato dawo loo baahan yahay oo hadana Hananshadeedu Bir ka adag tahay.

Puntland waxa haatan Ololeeheedii socdaa doorashada iyo xulashada ruuxa uu noqon doono madaxweynaheedii shanaad ama lixaad, inkastoo sawirka muuqdaa dhanka Ololaha uu isku mid uun yahay hadana waxa uun isbedeley wacyiga maalmaha ee dhanka dhaqaalaha, bulshada iyo Habka hawleed ee shacabkaas. Wax badanse iskama bedelin habkii doorashada 20kaas sanadoodna 66 xubnood ayaa wax dooranaya. Sawirka iyo habka wax loo doorto weli waa suuradii muuqatay 20kii sanadood ee Puntland jirtey, waxana weli la arkayaa muqaal iyo Eray bixin niyadeed oo dhanka hogaanka ah oo u muuqda in hal qoys oo beelihii PL wada dhistay ah ay u cimaamadan yihiin isla jagadii loo doortay shan madaxweyne oo qoyskaas ah. Haseyeeshee marxaladan maanta taagan waxay u baahan tahay in Ku-dhac dhanka siyaasadda ah iyo isbedel dhul Gariir ah la sameeyo. Sadex arimood oo waa weyn oo isbedel ah waa inay dhacaan, sadex siyoodna Puntland waa in loo badbaadiyaa, Sadex cadowna waa in laga badbaadiyaa PL.

 

Sadex isbedel oo muhiim ah.

Hadii la doonayo in meel si mucjiso ku jirto wax looga bedelo waa in marka hore isbedel lagu sameeyaa dhaqamdii hore ee jiray, si kelmeddan ‘’ISBEDEL’’ u noqoto mid macno sameynaysa. Puntland waa in laga bedelaa dhawr dhaqan.

  • Jagada sare ee madaxweyne nimada ee qori isku dhiibka noqotay waa inay isbedeshaa isla markaana dhaqankaas isbedelkiisu ka yimaadaa beesha Maxamuud Saleebaan Ama Majeerteenba
  • Madaxweyne ku xigeenka beesha Dhulbahante markasta looga dhigay dhaxalka waa in la bedelaa dhaqankaas.
  • Tallo weydiinta dadka kooban ee beesha Dhulbahante ee Puntland sida ay ku tanaadayso iyo in midnimo beeshaasi Puntland ku qaabisho la helo markasta khatarta ku ah in ka joojiyey isla markaana Kaadhadhka siyaasadeed ee isku jebinta siyaadaysan ee Dhulbahantaha Garoowe waa in la bedelaa.

Sadex Isbedel waa inay dhacaan:

 

  • In ruux muunasib ah oo maanta Badbaadin kara Puntland isla markaana aan ahayn Majeerteen la helo.
  • Qofkaasi waa inuu noqdaa ruux saameyn balaadhan ku leh bulshada Soomaaliyeed, caalamka  iyo Geeska Afrikaba.
  • Ruux Puntland gaadhsiin kara maamul dawladdnimo oo buuxa kaasoo leh Hay’ado dawli ah oo maamul ahaan adag, ayadoo Puntland iyo shacabkeeduba u qalmeen in halkaas mar hore la gaadho.

 

Sadex siyood oo loo badbaadinayo Puntland loona kala Badbaadinayo Puntland.

 

  1. Madaxweyne ka soojeeda SSC wuxuu muhiim u yahay in xal loo helo waxaynu indheergarad iyo Indho-ku-garaadlaba ujeedno ee ka soconaya Garoowe; iyo musharaxiintooda qaarkood isugu yeedheen madaxweynaha aan la dhaarin uun.

 

  1. Difaacida Puntland oo ku xidhan dadka SSC, maadama la arkay waxii laga dheefey dagaalkii Tukaraq oo hubanti ay u noqotay waxii Caqli leh inta cududii reer SSC maqan tahay safafka hore ee dagaalkana aysan ku jirin inay adkaan doonto in Somaliland laga waabiyo PL iyo in xataa iskadaa dhul xoreyne

 

  1. Inuu noqdo ruux aan ahayn kuwa Awaadhan ee garoowe qaarkoodna 20ka sano fadhiyey dadka SSCna Puntland nacsiiyey ayaguna isku nacay iyo kuwa maalinba dhan u carara mar Somaliland, Mar Khaatumo, marna Puntland dabadda soo geliya oo weji hogaamineed, mid mideyn iyo sharafeed aan ku lahayn dhanaba, Puntland aan waxba uga tari karin SSC shacab ahaan iyo ciidan ahaan, cashuur ahaan iyo calaf ahaan, Daljoog ahaan iyo debed joog ahaan, kuna shaanbadeynsan inay kala Irdheeyeen oo qoys, qoys iyo qof qof u kala fur fureen bulshada reer SSC.

 

Yaa badbaadin kara kalana badbaadin kara?

 

Xukun isa siinta iyo Qori isku dhiibka, Baaqan la isku Afwajaaqsadday ee aan fasiraadda u baahnayn maanta waxa inaga-saari kara ruux iigu soo dhacay sida maqaalkani iigu soo butaacay, ruux xataa aanan hubin inuu hawshan diyaar u yahay, ruux aan aamisanahay inuu hogaamin, badbaadin karo umaddan maanta, ninkaasi waa inuu masuuliyad, aqoon, Qofnimo Soomaaliyeed, Saameyn caalam, mid gobol, mid bulshaddiisa gaar ahaan  iyo guud ahaan Puntlandba wax gaadhsiin kara, Soomaali wax tari kara, difaaci kara PL, siyaasad degen iyo mideyn salka ah intaba ku xoreyn kara deegaamada maqan, hambadda hadhayna ku difaaci kara kala Badbaadin kara siyaasiyiinta nin walba usha meel ka goostay ee tiradiina ka batay tayadiina ka yaraadey ee ku xigeenada iyo lagu xigaha noqday.

 

Waa idin dan , waa inoo dan waa fursad, Qofkii lexjaclo PL ah hayso waa wuxuu ku riyaaqo karo. Xataa haduu fadhiyo uu kici karo. Fekerkan waxa fiican inuu ka yimaado waxgaradka Majeerteen. Ayna PL ku badbaadiyaan kuna kala badbaadaan, SSC Xoriyadeda ku hesho;

Waxaan arkaa fursad kale oo PL hortaala, fursad kale oo hortaal Nugaal, Bari ,Mudug, Karkaar iyo intakale ba, Caqligii garoowshiyo wataa maantuu garanayaa in talada laga buuxsaddo.ou hogaan mudan ou SSC ka so jeeda, PL badbadiya, Somaliyana ou hiilinkara, beesha caalamka iyo kuwa gobolkaba waax tusi karaa, midnimada guud ey Somaliya ou halgama waan in laga raadiya  deegamada SSC. hadii Bulsda weynta Puntland taas ay garan weydana waxa hubaal noqon doonta in Garoowe dusheeda la isku dulfadhiyi doono. Reer SSC na aan la heli doonin. Reer Khaatumo/SSC maanta iyaga Sas uma eka, Puntland iyo Somaliland colaadoodii waxay markale ina siisay fursad. Hadeynaan hawshan mididda daabkeeda ku dedaalin inaynu qabanana sidan iyo si ka sii hooseysa uun beey ahaanayaan. Waxa quman in ruuxkastaa ku riixo Dr Ali Ciise Cabdi inuu maanta halkaas galo, iska daba Quuqleyn iyo dacaayad raqiisana siyaasaddu maahaa badbaaduna tacabirid xoogan iyo naf iyo maal hurin dhabeey u baahan tahay.

 

Ugu danbeyntii, sheekadu waa Colka wadhaf ma lagu Deyey, Ceelkan in la wada lee yahay iyo in la sii kala lahaan doono, Alloow yaan waaga waraabuhu cunin {8 Janaayo}.

Horufadhi.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=70259

Posted by on Dec 22 2018. Filed under english news, fikradaha, wararka, Wararkii Hore. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Puntland Yaa Badbaadin kara, kalana Badbaadin kara?.”

  1. Dr. Ali Isse Abdi, Bintiland, waxba kuma laha yaa dooran doona; ma duco iyo baryo ayaa lagu saari. Bintiland, waxa la yidhaahdaa: Beelo ayaa wax lagu qaybsaday, beelaha SSC 16 beelood/madax baan waxba ku lahayn xildhibaanada, oo debed ka joog ah. Dr. Ali, wuxuu ku soo bixi lahaa haddii 33 jillib ee reer SSC haddii ay xildhibaanadoodu jooggaan. 17kan xildhibaan ee hadda, in la isku dilo, maxaa keenay, waa dulmiga lagu bineeyey ” aan rakaato humuunta aan rido ayaa rag isku disha”Waraabinta ceelka iyo geela. WBT

  2. Nacasnimoy ba’. Doqonnimoy ba’. Reer SSC waxba uma yaaliin Puntland. Haddaba, booda ama dhaca, qaysha ama ooya, cid puntland ka dooranaysa madaxweyne reer SSC waa habeenkii xalay ahaa ee tegey.

    Ninkan odayga ahna shaadhkiisa nadiifta ah, ha ka dhooqaynina.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma haday dhab ka tahay
  • Abdi: Hambalyo iyo sallaan baanu hawda u marinayna Dawladda Federalka Soomaaliyeed sida adag ee ay sutida ugu hayso...
  • Abdi: Haddii arrintu noqotay dagaal shaashiyeed, Soomaalidduna ha iska joojiso “Qaadka baas” ee Soomaali...
  • Abdi: Sida ka muuqata hab dhaqanka iyo maamulka Ahlu-Sunna, waxa muuqata in ay yihiin “xer” si gaar ah u...
  • Abdi: Soomaali sidaadaba goormaad wax garataan? Caqabaddaha dawladda Federaalka oryaal waa sahlan yihiin. Waxaana...