|

DEG DEG:-Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hor yimid go,aankii kala dirista Gudiga Maaliyada…

Muqdisho (HM)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka hor-yimid kala diridii uu Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ku sameeyay Guddigii Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka Hey’addaha dowladda.

Qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddiga ay tahay inay shaqadooda caadiga sii wataan, iyadoo Guddoomiyaha ku eegay qodobo ka mid ah xeer hoosaadka iyo Dastuurka

Guddoomiye Mursal ayaa faray Guddiga Maaliyadda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan xisaab xirka misaaniyaddii sanadka 2017 iyo miisaaniyadda sanadka 2019, ka hor inta aysan dhamaan sanadka 2018.

Sidoo kale waxaa uu faray Xukuumadda inay u hoggaansanto shaqada Guddiga Golaha Shacabka ee kor joogteynta iyo la xisaabtanka hey’adaha dowladda.

Waxaa uu kaloo Guddoomiye Mursal uu baaqay in la dhowro madax banaanida Baarlamaanka oo ah Laanta Sharci dejinta dalka.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Guddoomiye Mursal:-

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=69718

Posted by on Dec 8 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • mohamuud: soomaalidu waa caddow carabtuna waa walaalaheen?
  • mohamuud: iibsashada licence ka
  • mohamuud: war dadka waxba uma haysaane xaraash macnahheda malaha ma garanaysaan 20% hadii laina siiyo faaidaan qabnaa...
  • Rasta buuni: Ok
  • Turab: Bismillaah Hey`adan, waxan ay iska qortay, xaga Somaliya 99.9% waa mala awaal. Ilaa dawladii Carta, waa...