|

Daawo Waraysi:-Faratoon oo sheegay in mar walba Soomaliland diyaar u tahay wada hadalka Soomaliya-Video

Hargeysa (HM)-Wasiirka Wasaarradda arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon ayaa sheegay in Somaliland mar walba diyaar u tahay wada hadal ay la gasho Soomaaliya.

‘’Somaliland mar kasta diyaar bey u aheyd mana ka hor iman wada hadal lala galo Soomaaliya, diyaar ayeey-na u tahay in ay Soomaaliya wada hadalaan oo wixii leysku hayo miiska la soo dhiggo’’ ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo la hadlayay Idaacada VOA.

Mar wax laga weydiiyay dowladda Mareykanku qorsheyneyso in safaaraddeeda u rarto magaalada Muqdisho waxa uga qorsheysan Somaliland in ay ku qasbanaan doonaan in ay tagaan safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayuu yiri ‘’ Maya taasi marnaba ma dhici karto, haddii ay Mareykanka safaaraddooda u raraan magaalada Muqdisho, dabcan iyaga ayeey u talaa sida aan isku arkeyno iyo goobta kale oo aynu ku kulmi karno’’ ayuu yiri Wasiirka.

HALKAN KA DAAWO WARAYSI

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya iyadoo dhawaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi sheegay in aysan la hadli doonin dowladda Soomaaliya ilaa ay ogolaato sida uu hadalka u dhigay madax-bannaanidda Somaliland.

Laakiin dhawaan waxaa magaalada Hargreysa tahay saraakiil ka socda midowga Yurub oo kala hadlay madaxweynaha Somaliland wada hadallada Soomaaliya iyo sidii dib loogu bilaabi lahaa

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=69698

Posted by on Dec 8 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...