|

Waxyaabaha Qarxa oo lagu qabtay Magaalada Jigjiga ee xarunta Maamulka Somali State.

Jigjiga (HM)-Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya  in ciidamada Booliska ay ku qabteen waxyaabaha qarxa oo la doonayay in lagu weeraro xarumaha maamulka dowlad deegaanka Soomaaliya ee magaalada Jigjiga.

Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlada Deegaanka Soomaalida itoobiya Maxamed Cali Xasan oola hadlay Warbaahinta ayaa ku eedeeyay inay qaar ka haray maamulkii hore ee dowlad deegaanka soomalida Itoobiya ay ka dambeeyeen qorshaha weerarada la doonayay in laga geysto magaalada Jigjiga.

“Waxaan gacanta ku haynaa nin lagu magacaabao Axmed Mahad Colow oo loo yaqaan Ilkacase waxaana aan horgeyn doonaa  sharciga.”ayuu sii raaciyay.

Madaxwaynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida itoobiya Mustafe Maxamud Cumar Cagjar ayaa dhowaan ku eedeyay Maamulada  Jubbaland , Somaliland iyo  Puntland in laga soo abaabulayo qaraxyo la doonayo in laga geysto magaalooyin ku yaal dowlad deegaanka Soomaalida itoobiya.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=69685

Posted by on Dec 7 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma haday dhab ka tahay
  • Abdi: Hambalyo iyo sallaan baanu hawda u marinayna Dawladda Federalka Soomaaliyeed sida adag ee ay sutida ugu hayso...
  • Abdi: Haddii arrintu noqotay dagaal shaashiyeed, Soomaalidduna ha iska joojiso “Qaadka baas” ee Soomaali...
  • Abdi: Sida ka muuqata hab dhaqanka iyo maamulka Ahlu-Sunna, waxa muuqata in ay yihiin “xer” si gaar ah u...
  • Abdi: Soomaali sidaadaba goormaad wax garataan? Caqabaddaha dawladda Federaalka oryaal waa sahlan yihiin. Waxaana...