|

War murtiyeed laga soo saaray shirka saddex geesoodka Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea-Akhriso

Muqdisho (HM)-Waxaa goor dhow soo dhamaaday shir saddex geesood ahaa oo Madaxda dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea uga socday magaalada Bahar Dar ee dalka Itoobiya, iyadoo madaxda ay qaateen wada tashiyo qoto dheer oo saacado badan qaatay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shirkooda labaad diiradda ku saaray is bedeladii taariikhiga, nabadda iyo is dhex galka Gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale waxay Madaxda dib u eegis ku sameeyeen heshiiskii iskaashi ee ay bilo ka hor ku kala saxiixdeen magaalada Asmara, horumaradii iyo guulihii laga gaaray.

Madaxda ayaa waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax banaanida, dhuleed, mid siyaasadeed ee Soomaaliya, waxay muujiyeen taageeradooda adag ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed iyo hey’adaheeda, waxay kaloo ammaaneen dadaalka dowladda ugu jirto soo celinta nabadgelyad iyo xasiloonida

Madaxda saddexda dal ayaa soo dhoweeyay dadaalada la doonayo in cunaqabateynta looga qaado dalka Eritrea, taasoo lagu wado in dhowaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu ka qaado cunaqabateyntii saarneyd dalkaas.

Halkan hoose ka akhriso war murtiyeedka 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=69017

Posted by on Nov 10 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM