|

Daawo:-dhimashada iyo khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii Muqdisho ee shalay oo korortay-Video+Warbixin

Muqdisho (HM)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ruxay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 40 ruux, sida ay xaqiijinayaan ilo kala duwan oo madax banaan.

Qaraxyada oo ay ka dhaceen Hotelka Saxafi ayaa ku bilowday gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu weeraray afaafka hore ee wadada laamiga Hotelka, xilli wadada aheyd mid mashquul badan, gaadiid kala duwan ay marayeen.

Wararka ayaa sheegaya in dhaawacyada ay ka badan yihiin 50 ruux, waxaana goobta qaraxa isku bedeshay goob aad u burbursan oo ka muuqdeen haraadiga iyo burburka uu sababay qaraxa.

Qaraxa labaad ayaa ka dhacay agagaarka CID oo u dhow Hotelka Saxafi, halka qaraxa 3aad lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa, maadaama uu dhacay xilli uu socday gurmadka.

Cabdi Barre Jibriil oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay inuu Hotelka balan ku lahaa xilliga qaraxyada dhacayeen, isla markaana uu ka qeyb qaatay gurmadka markii qaraxyada dhacayeen.

“Hotelka ayaa balan kulahaa, waxaa markii aan galay Hotelka dhacay qaraxyada dadka badan ku dhinteen, aniga waxaa indhaheyga ku arkay oo aan wax ka qaaday meydad dhan 47 ruux, waxaa ku jiray dad uu jirkooda kala go’ay oo qaraxyada saddexda ahaa ay haleeleen”ayuu yiri Xildhibaan hore Cabdi Barre Jibriil.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dadka ku dhintay qaraxyada ayaa waxaa ku jiray C/fataah C/rashiid Shire Ilqeyte oo ka mid ah Milkiilayaasha Hotelka, saddex sano ka hor aabihii Ganacsade C/rashiid Ilqeyte ayaa ku dhintay weerar sidan oo kale Al-Shabaab ugu qaadeen Hotelka Saxafi.

Hotelka Saxafi ayaa ka mid ah Hotelada ugu caansan ee magaalada Muqdisho, waxaa uu ku yaallaa agagaarka Isgoyska KM4 oo ah goob aad u mashquul badan oo amnigeeda aad loo ilaaliyo.

Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarada qaraxyada ee shalay ka dhacay, waxaana qaraxyada ku soo aadeen maalin jimco ah oo dadka ka nastaan shaqooyinka, balse xilliyada galbihii magaalada tahay mid camiran oo dadka is booqdaan, iskuna arkaan meelaha kala duwan ee la isugu yimaado sida Hotelada iyo maqaayadaha.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=69007

Posted by on Nov 10 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.