|

Akhriso:-Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea oo ka wada hadlaya dhameystirka heshiiskii iskaashiga saddex geesoodka-Warbixin

Muqdisho (HM)-Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa ka wada hadlaya dhammaystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalkaas ku saxiixeen bishii September magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Madaxda saddexda dal ayaa ku sugan magaalada Gondar, iyadoo maanta la filayo in war murtiyeed laga soo saaro wada hadalka u dhaxeeya ee saddex geesoodka ah.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay socdaal dhanka dhulka ah ku tagayaan magaalada Bahra Daar ee Waqooyi Galbeed dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku yeelan doonaan wadahadallo ku saabsan dhammeystirka heshiiska iskaashiga iyo wax wada qabsiga saddex geesoodka ah.

“Hoggaamiyeyaasha Gobolku waxa ay iska xog waraysan doonaan xaaladaha guud ee Gobolka, iyagoona si gaar ah uga wada hadli doona dhammeystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee Asmara.”ayuu yiri Cabdinuur

Waxaa uu sheegay in shirarkan wadatashiga ah ee ay yeelanayaan Hoggaamiyeyaashani ay ka turjumayaan ka mira-dhalinta dadaallada ku qotama horumarinta dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo xaqiijinta hiigsiyada nololeed ee shucuubta walaalaha ah.

Isbaheysiyada ka dhex sameysmay dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah oo is bedelo ka socdaan Gobolka Geeska Afrika.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=69005

Posted by on Nov 10 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Murjin: Duqa Caliya doormat samba ahaa ayaa la doorman Yuu dudin hee
  • Hirad: Kkkkk miskiin cali ciise waan ka naxay wuu ooyay
  • Ali yusuf: Wasirka deface ee UK ee somaliland yimid
  • Ali yusuf: Sodigi cadalada waday horufadhi away wssirki deface ee somaliland yimisd
  • Abdi: Tollow, miyayan haween kani rag u tashadda lahayn? Mise rag iyo dumar waa wada qaran jab?