|

Daawo:-ugu yaraan 15 Qof oo ku dhintay Qaraxyadii Muqdisho, Wararkii ugu dambeeyay-Video

Muqdisho (HM)-Faah faahin ayaa ka soo baxaya qaraxyo ismiidaamin oo daqiiqado u dhaxeeyay oo goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4, iyadoo qaraxyada oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu kala weeraray Hotelka Saxafi iyo Xarunta CID oo isku dhow.

Qarax koowaad ayaa ka dhacay afaafka hore ee barta Koontarool ee Xarunta CID, halka qaraxa labaad uu ka dhacay afaafka hore ee iridka Hotelka Saxafi.

Intaas kaddib dabley hubeysan ayaa la sheegay inay isku dayday in dhabarka dambe ee Hotelka Saxafi ka soo gashay, taasoo aheyd xeelad cusub oo aan looga baran Al-Shabaab, marka weerarada qaraxyada ku weeraran Hotelada.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wararka ayaa sheegaya in Ilaalada Hotelka ee ku sugneyd dhabarka dambe ay toogteen afar ka mid ah dableydii hubeysneyd.

Sidoo kale qarax saddexaad ayaa goob aan ka fogeyn Hotelada Saxafi iyo Xayaat ka dhacay, kaasoo ahaa gaarigii ay ka dageen dableydii hubeysneyd ee isku dayday inay galaan Hotelka.

ugu yaraan 15 ruux oo shacab u badan ayaa ku geeriyooday Qaraxyada iyada oo dadka badan ku dhinteen Qaraxyadii labada ahaa ee hore ee Hotel Saxafi iyo CID-da.

Saddex sano ka hor 1-dii bishii November sanadkii 2015 ayay aheyd markii weerar is qarxin ah iyo mid toos ah lagu qaaday Hotelka Saxafi, waxaa weerarkaas ku dhintay Abaanduulihii hore ee Ciidanka xoogga dalka Jen. Dhegabadan, Ganacsade C/rashiid Ilqeyte oo ahaa Milkiilaha Hotelka Saxafi iyo Xildhibaan Abtidoon.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=69000

Posted by on Nov 9 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.