|

Daawo:-Laascaanood gogashii Nabadda ee Beelaha ku dagaalamay Koonfurta G.Sool oo Jigjiga la dhigay-Video

Laascaanod  (HM ) Ergooyinkii Nabadda ee uu hogaaminayey Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiil Waal iyo Isimo kale oo iyana kala yimid Garoowe , Laascaanood , Buuhoodle iyo Isimo maanta ka yimid gobolka Mudug (Gaalkacyo) ayaa Waxay guulaysteen in ay xabad Joojin dhex dhigaan labada Beelood ee Colaadu kud hexmartay deegaanka (Dhumey) ee Gobolka Sool.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Isimadan oo ay weheliyeen Culimo ka kala Socotey Laascaanood iyo Buuhoodle ayaa Waxaa ay howha maamulkeeda gacanta ku hayey Isimada Dowlada Deegaanka Soomaaluda oo uu hogaaminayo Garaad Kulmiye , Waxaana ay kulamo la qaateen guurtida labada labada dhinac.

Sidoo kale , Waxaa ay Isimada nabadaynta ay sheegeen in howshaasi lagu dhamaynayo magaalada Jig Jiga ,si waafaqan Shareecada Islaamka iyo Geed Hoostii. Waxaana lagu heshiiyey.

In Xabad Joojin yo Nabad Shuruud la’aan ah ay qaataan Labada Beeloood ( Bahararsame iyo Qayaad).

Inay gogashu noqoto magaalada Jig Jiga , ayna iska iska soo Xulaan labada dhinac min 21 Xubnood Kuna Soo diyar garoobaan mudo sadex maalmood.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=68993

Posted by on Nov 9 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • mohamuud: soomaalidu waa caddow carabtuna waa walaalaheen?
  • mohamuud: iibsashada licence ka
  • mohamuud: war dadka waxba uma haysaane xaraash macnahheda malaha ma garanaysaan 20% hadii laina siiyo faaidaan qabnaa...
  • Rasta buuni: Ok
  • Turab: Bismillaah Hey`adan, waxan ay iska qortay, xaga Somaliya 99.9% waa mala awaal. Ilaa dawladii Carta, waa...