|

Daawo:-Taabit Duqii hore ee Muqdisho oo Saaka Dalka kusoo laabtay si uu uga qayb galo Xuska 14 October-Video

Muqdisho (HM ) Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa saaka oo Sabti ah soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo maalinta berri ku beegan tahay 14 October sanad-guuradii koowaad ee ka soo wareegatay qaraxii 14 October ee Isgoyska Zoobe, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 500 oo ruux.

Guddoomiye Taabit ayaa lagu xusuustaa kaalintiisa gurmadka aheyd ee uu ka qaatay musiibadaas iyo xusuusta gaar ahaaneed ee ku reebtay qaraxii isgoyska Zoobe, isagoo calaamad gaduudan oo ka turjumeysay baroor diiq iyo xusuusta weerarkaas ku xirtay gacanta Bidix

Taabit ayaa la filayaa inuu maalinta berri furo maradii gaduudneyd ee baroor-diiqda aheyd, waxaana maradaas uu astaan uga dhigay afar cinwaan oo kala ahaa, Musiibo Qaran, Gurmad Qaran, Midnimo Qaran iyo Xusuus Qaran.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mar uu  Warbaahinta la hadlay  ayuu ka Warbixiyey Waxyaabihii Murugada badan ku Reebay maalinta uu dhacay Qaraxii Zoobe.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=68181

Posted by on Oct 13 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...