|

Daawo:-Soomaliland iyo Puntland oo ay meel xun ka marayso iyo Xildhibaano isku dhaartay-Video

Laascaanood (HM)-Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa habeenĀ  sii horaysay ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidaamda Puntland iyo kuwa maamulka Somaliland, waxaana dagaalkaasi ciidanka Somaliland ka soo gaarey khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo gaadiid laga gubey sida wararku sheegayaan sidoo kale dhanka Maamulka Puntland waxaa jiray isna qasaare kala duwan iyadoo midba dhanka kale ku eedeyay dagaalkii halkaas ka dhacay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Haddaba khasaarahaasi waxaa ka xanaaqay maamulka Somaliland oo sheegay inay Puntland sida ugu dhaqsaha badan uga aarsan doonaan isla markaana ay tallaabo dagaal qaadi doonaan.

Barlamaanka Somaliland ayaa sheegay in Somaliland aysan dulqaadan doonin ayna qaadayaan dagaal culus oo ay ku qabsanayaan magaalada Garoowe, waxaana barlamaanka Somaliland ugu baaqay shacabka Garoowe inay magaalada isaga qaxaan.

Xildhibaan Dhaga Cadde ayaa ku tilmaamay xubnahaasi kasoo hanjabay magaalada Hargeysa ay yihiin rag xanuusan oo ka buka dhanka maskaxda una baahan dhakhtar waa sida uu hadalka u dhigaye

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=68160

Posted by on Oct 13 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • mohamuud: soomaalidu waa caddow carabtuna waa walaalaheen?
  • mohamuud: iibsashada licence ka
  • mohamuud: war dadka waxba uma haysaane xaraash macnahheda malaha ma garanaysaan 20% hadii laina siiyo faaidaan qabnaa...
  • Rasta buuni: Ok
  • Turab: Bismillaah Hey`adan, waxan ay iska qortay, xaga Somaliya 99.9% waa mala awaal. Ilaa dawladii Carta, waa...