|

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo maanta dhagax dhigay dib u dhiska Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed-Video

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhagax dhiggay Xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada ee National Theatre, kaasoo lagu dhisayo Barnaamij loogu magac daray Is xilqaan oo ay dhowaan dowladda ku dhawaaqday.

Golaha Murtida iyo Madadaalada ayaa ka mid aheyd goobihii taariikhiga ahaa ee ku burburay dagaaladii sokeeye, waxaana la qorsheynayaa in lagu dhiso Barnaamijka Is xilqaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay dhagax dhigga Tiyaatarka Qaranka ayaa sheegay in muddo sanad ka yar lagu soo gabagabeyn doono dhismaha Tiyaatarka.

Tiyaatarka Qaranka ayaa dhowr jeer oo hore waxaa la sheegay in dib u dhis lagu sameynayo, waxaana jiray Engineero ka socda dalka Shiinaha inay booqdeen, maadaama dhismaha Tiyaatarka uu ka mid ahaa goobihii ay dhiseen Shiinaha.

Sidoo kale waxaa horay u jiray in dhaqaale loo uruuriyay dhismaha Tiyaatarka Qaranka, lama oga in halka ay ku baxeen dhaqaalahaas.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=68186

Posted by on Oct 13 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...