|

Daawo:-Imaaraadka oo sheegay in ay aqoonsan yihiin Dastuurka Maamul gobaleedyada Soomaaliya-Video

Garoowe ( HM) Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin dastuurka ay adeegsadaan maamullada Soomaaliya, sida ku cad warbixin ay soo saartay kooxda QM ee la socodka xayiraadda hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii warbixinta ay sheegtay in Imaaraadka Carabta ay si buuxda ugu xadgudbayaan madax-bannaanida Soomaaliya.

Warbixintan oo QM ay soo bandhigi doonto bisha November, ayaa waxaa qeyb ka mid ah arkay taleefishinka Al-Jazeera, waxaana lagu sheegay in saldhigga milatari ee Imaaraadka ka dhisayaan magaalada Berbera uu yahay mid sharci darro ah oo xadgudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya iyo xayiraadda hubka.

Imaaraadka Carabta ayaa markii ay khubarada QM weydiiyeen sababta ay ugu xadgudbayaan Soomaaliya, ayaga oo dhisaya saldhigyo iyo dekado aysan ogleyn dowladda federaalka, waxay ku jawaabeen “Imaaraadka waxay heshiisyo la galeen maamullada ka jira Soomaaliya, si waafaqsan awoodaha dastuuriga ah ee dastuurka uu siinayo madax goboleedyada, si ay ugu guuleystaan amni, xasilooni iyo baraare”

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Imaaraadka ma sheegin dastuurka ay ka hadlayaan ee awoodaha siiyey madax goboleedyada, hase yeeshee waxaa cad inuu yahay kan goboleedyada, sababta oo ah dastuurka Soomaaliya waxaa awoodda saxiixa heshiisyada caalamiga ah leh kaliya madaxweynaha Jamhuuriyadda. Hoos ka eeg qodobka arrintaas ka hadlaya ee dastuurka.

Qodobka 90aad. Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya

(q) In uu saxiixo heshiisyada caalamiga ah kadib markii Golaha Wasiirrada soo jeediyo, Golaha Shacabkuna ansixiyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u diiday saldhiga Imaaraadka iyo dekadaha Berbera iyo Boosaaso, waxaase iska indha-tiray Imaaraadka oo la macaamilaya maamulka Somaliland iyo midka Puntland.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=68176

Posted by on Oct 13 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • mohamuud: soomaalidu waa caddow carabtuna waa walaalaheen?
  • mohamuud: iibsashada licence ka
  • mohamuud: war dadka waxba uma haysaane xaraash macnahheda malaha ma garanaysaan 20% hadii laina siiyo faaidaan qabnaa...
  • Rasta buuni: Ok
  • Turab: Bismillaah Hey`adan, waxan ay iska qortay, xaga Somaliya 99.9% waa mala awaal. Ilaa dawladii Carta, waa...