|

Daawo:-Dowladda Soomaaliya oo la soo wareegtay qalabkii ugu danbeeyay ee Kontaroolka Hawadda Soomaaliya-Video

Muqdisho (HM)-Kaddib munaasabad kooban oo ka dhacday magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayeey dowladda Soomaaliya kula soo wareegtay qalabkii ugu danbeeyay ee kontaroolka hawadda Soomaaliya.

Munaasabada waxaa ka qeybgalay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar,  siihaya safaraada Soomaaliya ee dalka Kenya Cali Maxamed Sheekh Bagadi  iyo saraakiil ka tirsan laanta duulista iyo Hawada Kenya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiir Oomaar ayaa goobta ka sheegay in qalabka lala soo wareegay dhamaantood yihiin hanti Qaran sidaa daraadeed ku wareejiyeen safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo iyadu geyn doonta magaalada Muqdisho.

 

Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya Cali Maxamed Sheekh Bagadi  aha qunsulka guud ee Safaarada ayaa dhinaciisa sheegay in qalabkas ay a wareegeen,isla markaana loogu Shaqeyn doono Qaranka Soomaaliya,sidoo kalena albaabada la isugu dhuftay Xaruntii hore ee dalka Kenya.

Hadda waxaa muuqata in si rasmi ah dowladda Soomaaliya ula soo wareegtay kontaroolka hawddeedda oo tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dowladda dhexe laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=68149

Posted by on Oct 13 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • mohamuud: soomaalidu waa caddow carabtuna waa walaalaheen?
  • mohamuud: iibsashada licence ka
  • mohamuud: war dadka waxba uma haysaane xaraash macnahheda malaha ma garanaysaan 20% hadii laina siiyo faaidaan qabnaa...
  • Rasta buuni: Ok
  • Turab: Bismillaah Hey`adan, waxan ay iska qortay, xaga Somaliya 99.9% waa mala awaal. Ilaa dawladii Carta, waa...