|

Maamul Gobaleedyada oo Afhayeen cusub doortay, Magaciisa-Akhriso

Muqdisho (HM)-C/llaahi Sheekh Xasan oo ah Wasiirka Dastuurka ee Maamulka Koofur Galbeed ayaa loo magacaabay Afhayeenka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

Qoraal magacaabis ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ahna Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa lagu magacaabay C/llaahi Sheekh Xasan inuu noqdo Afhayeenka rasmiga ee Golaha.

C/llaahi Sheekh Xasan ayaa wixii hadda ka dambeeya noqon doona Afhayeenka rasmiga ee ku hadli doona codka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada

Waa markii u horeysay ee uu Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada uu yeesho Afhayeen muddo sanad ah oo uu Golaha dhisan yahay, waxaana Golaha uu horay war saxaafadeed ka soo saari jiray kulamada iyo go’aanada uu soo saaro.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=68129

Posted by on Oct 11 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma haday dhab ka tahay
  • Abdi: Hambalyo iyo sallaan baanu hawda u marinayna Dawladda Federalka Soomaaliyeed sida adag ee ay sutida ugu hayso...
  • Abdi: Haddii arrintu noqotay dagaal shaashiyeed, Soomaalidduna ha iska joojiso “Qaadka baas” ee Soomaali...
  • Abdi: Sida ka muuqata hab dhaqanka iyo maamulka Ahlu-Sunna, waxa muuqata in ay yihiin “xer” si gaar ah u...
  • Abdi: Soomaali sidaadaba goormaad wax garataan? Caqabaddaha dawladda Federaalka oryaal waa sahlan yihiin. Waxaana...