|

Gaalkacyo: Wiil Dhalinyaro ah oo dilay Adeerkiis oo ‘ Meher Xaday ‘ Hooyadii iyo dhacdada-Akhriso

Gaalkacyo ( HM ) Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegay in Nin Soomaali ah uu dilay Nin kale oo meher xaday Hooydiis oo Garoob aheyd ( Carmal ), iyadoo arrintaas ay kasoo baxayaan warar kala duwan.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska gobolka Mudug ee Galmudug Maxamuud Cilmi Gulaafe waxaa uu sheegay in ay waddaan baadhitaano dilkaasi,islamarkaana ilaa iyo hadda aysan shaacin karin waxyaabaha keenay dilka.

Qaar ka mid ah dadka kunool gobolka Mudug ayaa warbaahinta u sheegay in dilka uu yimid kadib markii nin dhalinyaro ah uu dilay adeerkiis oo meher xaday hooyadiis.

Cabdi Dhoore oo ah ninka la dilay oo ay wada socdaan Marwadiisa ayaa u casuumaad tagay guriga wiilka adeerka uu u yahay, kadib markii ay casheeyeen ayaa waxaa dhacday wiilkii oo careysan inuu halkaasi ku dilay Adeerkii Masaafada la’aaday Hooyadiis.

Qisadaan ayaa imaaneyso kadib Bil dhacdadii Murugada laheyd ee ka dhacday Magaalada Muqdisho markaas oo heyb sooc guur loo dilay Nin adeer u ahaa Wiil guursaday Gabar qoyskeeda ay u diideyn.

Soomaaliya ayaa waxaa kusoo badanayo dilalka ku saleysan qoyska iyo muranada, waxayna arrintaan cabsi weyn ku keentay dadka Soomaaliyeed.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=68109

Posted by on Oct 11 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.