|

Deg Deg:-Toogasho ka dhacday Magaalada Boosaaso-Akhriso

Boosaaso (HM)-Dablay hubeysan ayaa weerar ka geystay suuqa bartamaha ee magaalada Boosaaso, sida ay sheegeen booliska.
Weerarka waxaa ku dhintey askari ka tirsan ciidanka dowladda hoose ee magaalada Boosaaso, waxaana markiiba goobta ka baxsaday kooxda toogashada fulisay.
“Waa lagu daba jira kooxda dilka geysatay.” ayuu yiri sarkaal boolis ah oo la hadlay Hiiraan Online.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarka.
Weerarrada noocan ah ayaa muddooyinkii dambe ku soo batey magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso,iyadoo howlgallana ay fulinayaan ciidamadda amniga Puntland.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=68123

Posted by on Oct 11 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...
  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...