|

Daawo Waraysi:-Faysal Cali Waraabe“Muuse Biixi wuxuu qabtay Tukaraq oo Kaliya,,-Video

Hargeisa ( HM) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID oo Waraysi dhinacyo badan taabaysa Siiyeyey Telefshinka Goobjoog ayaa ka hadlay arimo kala duwan.
Ugu horayn waxaa wax laga waydiiyey xaalada Somaliland iyo Xukuumadda Muuse Biixi, Wuxuuna sheegay inaysan Jirin wax Tallaabooyin ah oo ay Qaaday, marka laga reebo dagaalkii Tukaraq.

Wuxuu dhankiisa soo jeediyey in deegaanada ka maqan somaliland lagu tago Sidii ay horay Somaliland ku gaadhay Deegaano ay kamid yihiin Xudun, Taleex, Laascaanod iyo Kalabaydh, Wuxuuna xusay inaan Muuse Biixi kala tashan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Faysal ayaa Gudoomiyaha xisbiga Wadani ku eedeeyay inuu Xidhiidh la leeyahay Dawladda Soomaaliya, Hadana Wuxuu a sheegay inaysan Xaaraan ahayn in lala shiro Siyaasiyiinta Dawladda Soomaaliya, Waxaana sidoo kale wax laga waydiiyey Guul-darooyinka uu kala kulmay doorashooyinkii.

Wuxuu ka hadlay Isbadalka ka dhacay deegaanka Soomaali Galbeed, Xidhiidhka ay la doonayaan in la Samaystaan, Waxaana la waydiiyey iyadoo Hargeisa laga dhiibi Jiray ONLF Waxay maanta ugu casuumayaan.

Puntland ayuu sheegay inay tahay meesha dhibaatada ugu badan ku haysa Soomaaliya, Wuxuuna Waraysigan uga hadlay arimo kala duwan.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=68112

Posted by on Oct 11 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.