|

Shirkadda DP World. ee imaaraadka oo Deked kale kala wareegi doonta Soomaliland-Akhriso

Hargeysa (HM)-Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland Cabdulalahi Ismaaciil seylici iyo Xubno Wasiiro ah oo la socda ayaa waxa ay gaareen Magaalda Berbera,iyada oo halkaasi siwyen loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka ayaa la sheegay inay ka qeyb geli doonaan munaasabad lagu dhagax dhigayo dhismaha dekad labaad oo laga dhisayo Magaladaas,isla markaana ay dhiseyso shirkada DP World.

Dekadaan labaad oo Berbera ay ka dhiseyso Shirkada DP World ayaa qeyb ka ahaa heshiiskii Soomaaliland iyo DP World ay horay u kala saxiixdeen,waxana munaasabada ka qeyb geli lahaa Madaxweyne Muuse Biixi balse ay wax isbedeleen

Shirkada DP World ee laga leeyahay Wadanka imaaraadka Carabta ayaa horay looga mamnuucay Soomaaliya inay ka Shaqeyso,waxaana haatan ay si buuxda u maamushaa dekadaha Berbera iyo boosaaso ee Maamulka Puntland.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=68064

Posted by on Oct 10 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma haday dhab ka tahay
  • Abdi: Hambalyo iyo sallaan baanu hawda u marinayna Dawladda Federalka Soomaaliyeed sida adag ee ay sutida ugu hayso...
  • Abdi: Haddii arrintu noqotay dagaal shaashiyeed, Soomaalidduna ha iska joojiso “Qaadka baas” ee Soomaali...
  • Abdi: Sida ka muuqata hab dhaqanka iyo maamulka Ahlu-Sunna, waxa muuqata in ay yihiin “xer” si gaar ah u...
  • Abdi: Soomaali sidaadaba goormaad wax garataan? Caqabaddaha dawladda Federaalka oryaal waa sahlan yihiin. Waxaana...