|

Daawo:-Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka Muqdisho oo soo bandhigay shilalkii ugu badnaa ee ka dhaca Muqdisho mudo kooban-Video

Muqdisho (HM)-Taliska Nabadgelyada Waddooyinka ee loo yaqaano Taraafiko ayaa soo bandhigay shilalkii ugu badnaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho 9-kii bilood ee la soo dhaafay.

Taliyaha Hoggaanka Nabadgelyada Waddooyinka ee Taraafiko Jen. Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in shilalkii sanadkan ka dhacay magaalada Muqdisho ay gaarayaan 875 shil, kuwaasoo 602 ka mid ah ay galeen Mooto Bajaaj.

Jen. Maalin ayaa sheegay in shilalka ay sababeen dhimasho iyo dhaawac kala duwan oo shacab u badan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Bishii la soo dhaafay ee September ayaa shilalka ugu badan ay dhaceen, waxaana dhacay illaa 98 shil oo 73 ka mid ah ay galeen Mooto Bajaaj.

Illaa 8 qof ayaa ku geeriyootay shilalka la diiwaan geliyay ee ay ka dhacay Muqdisho bishii la soo dhaafay.

Shilalka gaadiidka ayaa loo sababeeyaa darawalada oo aan laheyn khibrad ku filan, iyagoo si xad dhaaf ah u kaxeeya, taasoo keenta inay xakameyn waayana, dabadeedna ay sidaas shilka ku galaan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wareegto ka soo baxday waxaa uu ku mamnuucay in Mooto Bajaajta laga soo dejiyo Dekeda Muqdisho, sidoo kalena aan la soo gelin karin magaalada

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=68080

Posted by on Oct 10 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...