|

Qalbi Dhagax oo gaadhay Magaalada Dhuusamareeb iyo Maamulka Galmudug oo-Akhriso

Muqdisho (HM)-C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha ONLF ayaa saaka gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Qalbi Dhagax ayaa socdaal ku marayay deegaanada maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana labadii maalmood ee la soo dhaafay uu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo oo aheyd halkii laga qabtay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa ku soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb, waxaa la filayaa inuu la kulmo Mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

C/kariin Muuse Qalbi Dhagax ayaa sheegay inuu safaro ku tagayo dhulka Soomaalida, isagoo safarkiisa ka soo bilaabay magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland, waxaa uu tilmaamay in aanay Muqdisho ku jirin goobaha uu booqanayo.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=68025

Posted by on Oct 9 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...