|

Musharaxiinta Puntland ee Sanadkan oo lagu eedeeyay amni darada Magaalada Garoowe iyo sababta-Akhriso

Laascaanood (HM)-Guddiga Amniga Puntland ayaa soo saarey qodobo ku qotomo doorashadda Madaxwaynaha ee kusoo wajahan maamulkaan, taasi oo ay ka harsan tahay muddo 80-cisho ah.

Taliyaha ciidamada xasilinta gobolka Nugaal Muxuyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay caqabado dhanka amniga oo Garoowe ku soo kordhay in ay masuuliyaddooda leeyihiin musharrixiinta.

Waxa uu sheegay taliyaha in xabadaha habeenkii dhaca ay hadda ridaan ilaalada mas’uuliyiinta, isaga oo sheegay in aan loo dulqaadan doonin arrimahaasi.

Taliyaha ayaa sheegay in magaalada oo aad u buux dhaafiyeen siyaasiyiin ayaa hadana ilaalada ay kala wataan mararka qaar rasaas ay ridaan.

“Ciidamo badan oo hub ku dhex wata magaalada ayaan qabannay waxay sheegayaan in meel banaanka ka ah magaalada ka yimaadeen ama ku leeyihiin hebel ayaan la soconnaa, hadaba ciidamada sidaas oo kale ah hubka Koontaroolka ayeey soo dhigi doonaan, ama waan maxkamadeyn doonnaa” ayuu yiri taliyaha.

Garoowe ayaa amni ahaan maalmahan dambe ahayd mid aad uga sii dartay, waxaana magaaladaasi ku batay dhaca loo geysanayo dadka shacabka ah.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=68022

Posted by on Oct 9 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma haday dhab ka tahay
  • Abdi: Hambalyo iyo sallaan baanu hawda u marinayna Dawladda Federalka Soomaaliyeed sida adag ee ay sutida ugu hayso...
  • Abdi: Haddii arrintu noqotay dagaal shaashiyeed, Soomaalidduna ha iska joojiso “Qaadka baas” ee Soomaali...
  • Abdi: Sida ka muuqata hab dhaqanka iyo maamulka Ahlu-Sunna, waxa muuqata in ay yihiin “xer” si gaar ah u...
  • Abdi: Soomaali sidaadaba goormaad wax garataan? Caqabaddaha dawladda Federaalka oryaal waa sahlan yihiin. Waxaana...