|

Daawo:-Dowladda Jarmalka oo kor usoo qaaday xidhiidhka Diblamaasiyadeed ee ay Soomaaliya la lahayd-Video

Muqdisho ( HM) Soomaaliya iyo Germany ayaa kala saxiixday labo heshiis oo xoojinaya iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya si hore loogu sii qaado barnaamijyada waxtarka leh ee horumarinta qaranka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa la saxiixday labo heshiis Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Germany ee Soomaaliya Marwo Annett Günther kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay maanta Muqdisho, ayna goobjoog ka ahaayeen diblomaasiyiin la yaqaan oo labada dal ka kala tirsan.

Heshiisyada la saxiixay ayaa kala ah Iskaashiga Maaliyadda  oo ku baxaya qarash dhan 15 milyan oo yuuro iyo Iskaashiga Farsamo oo sidoo kale isna ku baxaya  € 9.7  milyan.

Jarmalka ayaa ah isbahaysi istiraatiijiyadeed oo Soomaali ay leedahay, waxa kale oo uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan deeqbixiyeyaasha caalamiga ah ee taageera horumarinta iyo nabad ku soo dabaalidda dalka.

Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdisho Lagu Qabtay Munaasibad Balaadhan oo loogu dabaal degay Maalinta Midnimada dalka Jarmalka, waxaana ka qayb galay Madax ka tirsan Dawladda Soomaaliya.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=68029

Posted by on Oct 9 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma haday dhab ka tahay
  • Abdi: Hambalyo iyo sallaan baanu hawda u marinayna Dawladda Federalka Soomaaliyeed sida adag ee ay sutida ugu hayso...
  • Abdi: Haddii arrintu noqotay dagaal shaashiyeed, Soomaalidduna ha iska joojiso “Qaadka baas” ee Soomaali...
  • Abdi: Sida ka muuqata hab dhaqanka iyo maamulka Ahlu-Sunna, waxa muuqata in ay yihiin “xer” si gaar ah u...
  • Abdi: Soomaali sidaadaba goormaad wax garataan? Caqabaddaha dawladda Federaalka oryaal waa sahlan yihiin. Waxaana...