|

Daawo:-Dowlada Turkiga oo baadhaysa Safaarada Sucuudi Carabiya ee magaalada Istanbul iyo Mareykanka oo u Hanjabay-Video

Muqdisho (HM)-Boqortooyada Sacudi Carabiya ayaa u oggolaatay qubaro Turkey ah inay baaraan qunsuliyada ay ku leedahay magaalada Istanbul.

Wakaalada wararka dalka Turkiga Anadolu ayaa xaqiijisay oggolaanshaha dowlada Sacudi Carabiya toddobaad kadib markii uu galay qunsuliyada magaalada Istanbul ay ku leedahay Boqortoyada Sacudi Carabiya saxafi caan ah  Jamal Khashoggi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha dalka Turkiga Tayyip Erdogan ayaa shalay weydiistey dowlada Riyad inay cadeyso Sheegashadeeda ah in Khashoggi uu ka tegey qunsuliyada magaalada Istanbul, Dowlada Maraykanka ayaa ugu baaqday dowlada Sacudi Carabiya inay taageerto baaritaanka lagu doonayo in lagu ogaado halka uu ku dambeeyay Jamal Khashoggi.

Amiirka Sacudi Carabiya Mohamed Bin Salman ayaa u sheegay wargeyska Bloomberg in dowladiisu ay aad u dooneyso inay ogaato waxa ku dhacay Mr Khashoggi isagoo xusay in saxafiga uu ka baxay qunsuliyada kadib markii daqiiqado iyo illaa saacad uu ku sugnaa.

Sidoo kale Amiirka walaalkii Khaled oo ah safiirka Maraykanka u fadhiya Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa ku adkeysanaya in wararka sheegaya in lagu dhex diley qunsuliyada saxafiga Jamal ay tahay been aan raad lahayn.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=68041

Posted by on Oct 9 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...