|

Daawo:-Al-shabaab oo si kulul uga hadashay Musharaxnimada Mukhtaar Roobow iyo Xubnaha hore uga tirsanaa ee ka baxay-Video

Muqdisho ( HM) Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay ka hadashay tallaabada uu Mukhtaar Roobow isugu soo sharraxay xilka madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed Soomaakliya, oo uu ku dhawaaqay toddobaadkii tagey.

Warbaahinta rasmiga ah ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa bilaawday in ay warbixinno ka sameyso dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee Rooboow, oo horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab, uu kawado magaalada Baydhabo, waxaana Idaacadda Andalus ay u adeegsatay warbixinteeda Erayga “Murtad Mukhtaar Rooboow.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Al-Shabaab waxa ay sheegtay in Mukhtaar Roobow uu “ku dhuumaaleysanayey safka mujaahidiinta, oo uu culees iyo caqabad ku ahaa jihaadka, iskaba daa inuu wax taro”

“Dadkii ugu dambeeyey ee allaha ku fadeexeeyey umadda hortooda waxa uu ahaa Mukhtaar Roobow, oo bishii August 2017 ku biiray kooxda murtadiinta Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka ay baahisay idaacadda Andalus ee kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa tiri “xitaa ka hor inta uusan dowladda isku dhiibin, waxa uu Mukhtaar Roobow sanado badan xiriir hoose la lahaa cadowga, isaga oo maleegayey shirqool ka dhan ah mujaahidiinta”

Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Roobow uu la mid yahay Burhanudin Rabani, Gulbuddin Hekmatyar iyo Abdul Rasul Sayyaf, oo dhammaantood ah reer Afghanistan, iyo Sheekh Shariif iyo Axmed Madoobe oo Soomaali ah.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=68000

Posted by on Oct 9 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...