|

Maqaal:-Fahamka guud ee Qorshaha isbaahaysiga ARAB-NATO,Qaybta koobaad-Akhriso

Muqdisho (HM)-Hindisahan waxaa kolkiisii hore la yimid Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Mana ahayn qorshe ku soo boodo ah ee wuxuu ka soo Askumay maskaxda raggii isaga ku dhaliyey inuu u Tartamo doorashadii 2016kii ee dalka Maraykanka. Isla sanadkaas ayaa mid ka mid ah ragii isaga gacanta midig u ahaa loona tiranayey inuu ahaa mid ka mid ah saraakiishii sar sare ee ciidanka Maraykanka qoryaashiisa wax badan ka ogaa hoggaanka Ciidankana meelo sare ka gaadhay oo kolkaas noqday Hawlgab Mayjar: Jeneraal. Micheal Flynn , ayaa qoray buug uu ku koobay sida ay muhiim u tahay isbaahaysi noocaasaa & waxa uu ugu yeedhay habka looga faa’ideysan karo dagaalka caalamiga ah ee looga soo horjeedo dad uu ku sifeeyey Islaam Xagjir ah.{ The Field of Fight: How We Can Win the Global War Against Radical Islam }.

Kelmeda ah Islaam iyo xagjir, waxa muuqata inay tahay geffefka magaca guud ee Islaamka loo gaystay ee sida fudud loogu baahiyo warbaahinaha reer Galbeedka oo ayaguna hada u Laqimay kuwa dalalka Muslimka ah.

Qorshahan wuxuu ka mid ahaa Ajandayaashii qarsoonaa ee shirkii Riyaadh ka dhacay bishii May 2017 maalmaheedii 21kii ilaa 22kii ee ahaa shirweynihii loo bixiyey , Shirweynaha dalalka Carabta ee Islaamka ah iyo Maraykanka{The Arab Islamic American Summit}. Waxana diirada lagu saaray in lagu qanciyo dalalkii Trump u xushay inay arintaas fududeen karaan.

Qorshaha waxaa markii hore loo bixiyey Xulufada Istartijiyadeed ee bariga dhexe{the Middle East Strategic Alliance (MESA)}. Balse judhiiba waxa lagu dhejiyey Naanays ta kooban ee hada qorshaha loo yaqaano oo ah{Arab-Nato Alliance} ama Xullufadda Carabta iyo Naato.
Maraykanku wuxuu watay qorshe ah inuu si fudud uga faa’ideysto dhaqaalaha xoogan ee Carabtu Dulfadhido ee u baddan Faa’idada laga hello ceelasha shidaalku ka Ceegaago ee Eebe ku manaystay. Gaashaan buurta Nato, Ururka Is-afgaradka ee Waqooyiga Atalantiga {the North Atlantic Treaty Organization}, waxay ku qanceen inay si fudud u heli karaan suuq ay u beec geeyaan Hubka iyo Tiknaloojiyadda ay iyaguna hodanka ku yihiin, shidaal Jaban oo qiimo dhaaf iyo Jeerdhaafida oo ay ka helaan Carabta.


Maalgashida dhaqaalaha iyo lacaga , dahabka iyo Fidooyinka ceegaaga dalalkaas gaar ahaan qoysaska Saldaanaddaha Carabta ka hodmay inay dhigtaan dalalkooda si uusan dhaqaalahoodu u liicin iyo weliba waxyaalo kale.

Dalalka sida weyn loo abaaray waxa ugu horeeya Saudi Arabia, the United Arab Emirates, Bahrain, Kuwait, Qatar, and Oman –iyo weliba Masar + Jordan. Qaarkood dhaqaale laguma xulan ee Saameyntooda Israel iyo amaankeeda ayaa sheekada loogu soo daray.

Hadaba hada halkeey wax marayaan? maxaaa Caqabaddaha oo ku yimid, arintu xageey ka socon la dahay? Carabtu ma isla qaateen inay NATO hoos galaan?. Qormada danbe la soco si uusan qoraalku kugu dheeraan laba ama mid kale ayaan ka soo sameyn doonaa Insha Allaah.

Qalinkii:-Suleiman Hashi

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=68009

Posted by on Oct 8 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...