|

Daawo:-Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Qarjab “Wasiirada Puntland ma tagi karaan Xamar”-Video

Garoowe (HM)-Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa faah faahin ka bixiyay tallaabadii lagu joojiyay kulan uu magaalada Garowe ku qaban lahaa Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Xasan Maxamed.

Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Garowe ayuu sheegay in maamul goboleedyada ay horay hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka, isla markaana ay soo jeediyeen wixii horay loogu heshiiyay in la dhaqan geliyo.

Waxaa uu sheegay in illaa laga heshiiyo aysan ogolaan doonin in Puntland iska soo gasho oo ay shirar ku qabsato sida uu yiri.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Illaa laga heshiiyo oo laga dhaqan geliyo heshiisyadii horay, halkan cidii iska soo gashay oo shirar isaga qabsado waxay noqoneysaa cid dhibaatada dalka qeyb ka ah”ayuu yiri Wasiir Qarjab.

Mr Qarjab ayaa sheegay in la soo rogay amar ah in Wasiirada Puntland aanay tagi karin magaalada Muqdisho, isla markaana aysan shirar ka qeyb gelin karin.

“Waa la joojiyay in la isu gudbo Wasiirada xamar ma tagi karaan shir kama qeyb geli karaan, illaa la heshiiyo”ayuu yiri Wasiir Qarjab.

Xiriirka u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa heerkii ugu xumaa gaaray, iyadoo maamul goboleedyada ay xiriirka u jareen dowladda Federaalka.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=67985

Posted by on Oct 8 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo:-Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Qarjab “Wasiirada Puntland ma tagi karaan Xamar”-Video”

  1. Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan tahay: “Nacalaaba Ku Yaal Saajin Tuullo Jooga” oo ka soo maaxatay maankii iyo maskaxdii Marxuum Maxamed Siyaad Barre – ALLAH HA U NAXARIISTO. Waxa dhacaysa in Guddoomiye Gobol oo Madaxweyne loogu yeedho ay keenayso in uu wuxuu doono sameeyo, sida Saajin tuullo jooga wuxu doono uga samayn karo tuulladaas uu xukumo.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...