|

Soomaliland oo Abiy Ahmed u gudbisay dalab cusub oo ku saabsan Dowladda Soomaaliya-Akhriso

Hargeysa (HM) – Maamulka Somaliland ayaa ugu baaqday Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed inuu u soo jeesto arrinta ka dhaxaysa Somaliland iyo Soomaaliya oo uu u xaliyo sidii uu u xaliyay arrimaha Itoobiya-Ereteriya, Djibouti iyo Ereteriya iyo khilaafaadka Koonfurta Suudaan.

Wakiilka Somaliland u jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Mr. Axmed Xasan Cigaal, oo u waramay wakaaladda wararka Itoobiya ee Walta, ayaa sheegay in Somaliland aad u soo dhawaynayso isbedelada uu Raysal wasaare Abiy Axmed ka hirgeliyay gobalka Geeska Afrika.

Mr. Cigaal wuxuu sheegay in isbedelada uu sameeyay raysal wasaaraha Itoobiya ay burburiyeen buuro kala dhex yaalay dalalka Itoobiya iyo Ereteriya, Djibouti iyo Ereteriya iyo dib u heshiisiinta uu ka dhex dhaliyay madaxda dalka Koonfurta Suudaan, “Waxa aanu raysalwasaaraha ka rajaynaynaa in uu sida oo kalena u soo jeesto Somaliland iyo Soomaaliya.” Ayuu yidhi Wakiilka Somaliland.

Waxa kale oo uu wakiilka Somaliland sheegay inuu ku rajo weynyahay in Itoobiya noqoto dalka u horeeyay ee ka badheedha aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, “Waxaanu rajaynayaa in Itoobiya noqoto dalka u horeeyay ee dunida u sheega in Somaliland xaq u leedahay in la aqoonsado.” Ayuu yidhi Wakiilku.

Waa markii u horaysay ee ay dawladda Somaliland ugu baaqdo raysalwasaaraha Itoobiya inuu u soo jeesto arrinta ka dhaxaysa Somaliland iyo Soomaaliya.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=67712

Posted by on Sep 30 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...