|

Daawo:-Muran ka taagan Magaca Xisbigii uu maanta Muqdisho kaga dhawaaqay Xasan Sheekh-Video

Muqdisho ( HM) Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo doortay Guddoomiyaha Xisbiga lagu magacaabo Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda (Union For Peace and Democratic- UPD).

Munaasabad magaalada Muqdisho lagu qabtay ayuu Xasan Sheekh Maxamuud ka sheegay inuu ka mahadcelinaayo doorashada loo doortay Guddoomiyaha Xisbiga oo ah mid ku cusub saaxada Siyaasada.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in kulamo waaweyn uu qabandoono Xisbiga, isla markaana ujeedka ugu weyn uu maanta ahaa in la hagaajiyo Dastuurka.

Xisbigan ayaa waxaa ku midoobey Xisbiga Daljir, Kutlada Horusocod oo ay ku jiraan Xildhibaanadii Qabyo iyo siyaasiyiin kale oo aad uga soo horjeeda Siyaasada Dowlada Somalia.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ku dhawaaqida Xisbigan waxa uu imaanayaa xili la sheegay in Xasan Sheekh iyo xulafadiisa ay qaateen magaca Xisbi uu leeyahay Siyaasi Cabdullahi Sheekh Xasan oo kamid ah Golaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed.

Xisbiga C/llaahi Sheekh Xasan ee sanado badan ka hor la aas aasay ayaa lagu magacaabaa Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda Soomaaliyeed (Somali Peace and Democratic Union- SYPDU).

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=67732

Posted by on Sep 30 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...