|

Akhriso:-Maxaa ka jira in Madaxweyne Farmaajo diyaar u yahay in uu ka dego Hargeysa xarunta Soomaliland-Warbixin

Muqdisho (HM ) Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay dardar galiso sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadalladii dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland oo hakad galay.

Raisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa BBC-da u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu diyaar u yahay in uu ka dego magaalada Hargaysa isaga oo sida calanka Soomaaliya, balse Wasiirka arrimaha dibada  ee Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in aan wali halkaas la isla gaadhin.

Wadahadallada u dhexeeya labada dhinac ayaa bilowday sanadkii 2012-kii, wadahalladaas oo sanadkii 2014-kii hakad galay ayadoo intaas wixii ka dambeeyey ay jireen hadallo xanaf leh oo ay warbaahinta isu mariyeen masuuliyiinta labada dhinac.

Mahdi Maxamed Guuleed wuxuu intaas ku daray in Xukuumadda Soomaaliya ay arrinta wadahadalka u samaysay qorshe iyo jadwal la doonayo in xal lagu gaadho, balse arrintaas ay hakad galiyeen doorashooyinkii ka dhacay Somaliland asagoo sheegay in masuuliyiinta Somaliland ay isku afgarteen in arrinta wadahadalka dib loo bilaabo wixii ka dambeeya doorashooyinka madaxtinimo oo la sugo hadba madaxweynihii la doorto.

Raisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxda labada dhinac ay qorshaynayeen in ay kulmaan bishii Maarso ee sanadkan, hase ahaatee kulankaas uu qabsoomi waayey sababo la xidhiidha arrimo farsamo iyo xiisad ka dhalatay dagaalkii Tukaraq oo uu sheegay in dawladda federaalka ahi ay xoogga saartay sidii loo xallin lahaa colaadaas walina ay ku tala jiraan dardargalinta oo ay dhankooda diyaar yihiin.

Mahdi Maxamed Guuleed, Raisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ayaa sidoo kale tibaaxay in la gaadhay xilligii madaxweyne Farmaajo uu ka dagi lahaa Hargaysa oo wadahadalku uu dib uga bilaaban lahaa dhul Soomaaliyeed asagoo intaas ku daray in midowgii labada gobol ee 1960-kii aanay jirin cid dhex dhexaadinaysay balse ay ku timid boholyoow iyo hilow Soomaaliyeed.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=67724

Posted by on Sep 30 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...