|

Qalbi dhagax oo goordhow lagu soo dhaweeyay Magaalada Boosaaso-Akhriso

Boosaaso (HM)-Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax oo ka tirsan ururka ONLF ayaa maanta soo gaadhay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso waxaa kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Puntland,odayaal dhaqameed iyo dad weyne watay calanka jabhada ONLF.

Markii uu soo gaaray Boosaaso ayuu Cabdikariin Qalbidhagax la hadlay dadkii soo dhaweeyay isagoona sheegay in Boosaaso uu u yimid sidii uu ula kulmi lahaa dadkii uu tibaaxay in ay ka dhiidhiyeen jariimo uu sheegay in ay kula kaceen madax Soomaali ah.

Cabdikariin Sh Muuse Qalbidhagax ayaa inta uu ku sugan yahay Boosaaso waxa uu la kulmi doonaa masuuliyiinta ugu sareysa Dowlada iyo qeybha kala duwan ee Bulshada isagoona si gaar ah ula kulmi doona dadka kasoo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida.

Qalbidhagax ayaa horey u sheegay in uu safaro kala duwan ku mari doono magaalooyin badan oo kamid ah dalka ,waxaana safarkan kii ka horeeyay uu ku tagay magaalada Hargaysa halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=67676

Posted by on Sep 29 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...