|

Daawo:-Dagaal dhaliyey dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Garoowe-Video

Garoowe  (HM ) Magaalada Garoowe oo wayadii dambe amnigeeda faraha ka baxay ayaa saaka aroortii dadka dagan waxay ku tooseen dayanka rasaasta ka dhaceysa taasoo is-weydaarsanayeen kooxo maleeshiyaad ah iyo ciidamada Booliiska.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Taliyaha loo xil-saarey xasalinta magaalo madaxda Puntland ee Garowe Gen. Muxayadiin oo saxaafada la hadlay ayaa sheegey in iskahorimaadkaan uu dhacey kadib markii ciidamada Booliiska ay qabteen khamriga lagu iibsho.

” Xalay magaalada xabado badan ayaa ka dhacey, ciidankii howlgalka ayaa waxay tageen meelo warbixin laga siiyey oo Khamro loogu sheegey kabacdi halkaas nin ayay meeshii ka qabteen gaari wada, Ninkaas markaan kexeyney ayaa ciidankii lasoo weerarey, xabad baa ku bilaabatey taasoo muddo socotey, xabad wiifto ah ayaa ku dhacdey Gabadh AHN guri joogta, magaceeda waa Marxuumad Faadumo Axmad Maxamad.” sidaas waxa yiri Taliyaha ciidamada u xilsaaran xasailinta magaalada Garowe

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=67685

Posted by on Sep 29 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...