|

Ciidamada NISA oo howlgal qorsheysan ku soo qabtay khabiir dhanka Qaraxyada oo ka tirsan Al-Shabaab-Akhriso

Muqdisho (HM)-Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howl gal qorsheysan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa ay ku soo qabteen xubin ka tirsan Al-Shabaab.

Sida lagu baahiyay barta Twitter-ka ee NISA waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo qabtay khabiir dhanka Qaraxyada ah oo Al-Shabaab ka tirsan.

Howlgalka ayaa la sheegay inuu si taxadar leh loo sii qorsheeyay, isla markaana uu qaatay muddo saacado ah, habeenimadii 27 September.

Hey’adda NISA ayaa howlgalada gaarka ee qarsoodiga ah waxay muddooyinkii u dambeeyay ku shaacinaysay barta Twitter-ka, iyadoo aan faah faahin kale oo dheeraad ah laga bixin.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=67640

Posted by on Sep 28 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM