Daawo:-Soomaliland oo xustay maalinta Madaxbanaanida Sucuudiga iyo Saylici oo-Video
Hargeysa (HM)-Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland waxaa habeenkii xalay si weyn looga xusay maalinta Madax banaanida Dalka Sucuudi Careebiya,Siyaasiyiin,Xildhibaano,Wasiiro iyo xubno kamid ah qaybaha shacabka kowooda aadka ula dhacsan Siyaasada Muuse Biixi ayaa ka qayb galay Munaasibadda oo ka dhacday Hargeysa.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Soomaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa ka qayb galay Munaasibadda isaga oo aad ugu tahniyeey Dalka Sucuudiga oo uu sheegay in ay u tahay maalin Taariikhiya,Calamadaha iyo Calamadda Xukuumadaha Sucuudiga iyo Somaliland ayaa madasha lagu arkaye sidoo kale waxaa laga daaray qasiidoyin Sucuudiga lagula qaybsanayo dareenka wakhtiga sida ay sheegeen xubnaha munaasibada waday.
Waa markii ugu horaysay ee deegaanada Maamulka Soomaliland laga xuso xiligii sucuudigu qaatay Gobanimadda,iyada oo aan hore u ogayn in Somaliland aad ugu horayso Barnaamiyadaas horena u qabatay Xaflado lagu tageerayo Maalmaha xuriyadda Dalka Itoobiya iyo Engiriiska.
Horufadhi News
Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=67527
Bismillaah
Duul Allaw, maxaa ka khuseeya Sacuudi, oo adduunkii muslim iyo muslim ma ahe laga yaabay cawaanimadooda iyo jahliga ka muuqda siyaasadooda gudaha iyo tooda debedda, mar aan fogayn dhaqaalo gariir baa ku doona, waayo dagaal bay Eebe kula jiraan, haddanu dhulku la goin.
Muuse shaaniyaow, Ictiraaf sidaa laguma helo. “Dawladi, waa heshiis shacab”. Hargeysa, waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku dhisan rag iska dhici, yaan lagaa badin iyo ku jiq sii, nasiib xumada haysaana, lagu kala teg. Banana state/Somaliland.
Bal, maantana eega, waxay la gole yimaadeen, waa uun shuqul xumadii aan hore ugu soo tilmaamay oo wali taagan, maamulka ogol in cadawgu kudo oo ku maamulo dalkooda Alle siiyey.
Ku celin. Ayaan darro waxay haysataa kuwa eeganaya maamulkan ku jira boobka hantidii guud ee dalka – Bad iyo Berri, oo u soo daabacda waraaqo lagu sheego lacag beena, oo aan adduunka ka sharciyeysnayn / ka diiwaangashanayn, oo aan qiimana lahayn lagu aamino, kagana furta dollar-kii shacabku haystay iyo hantidoodiiba, kana dhistay daaro dhaadheer, madax ku sheega maamulka iyo inta la shaqaysta ee tuugta ah. Waar iska qaada heeryada tuugta ee idin saaran ictiraaf ma jiree. WBT