|

Dooda Mooshinka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo bilaabatay iyo Guddi Doorasho la magacaabay-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa maanta ka dooday mooshinka laga keenay Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabey.

Xildhibaanada qaar ayaa u soo jeediyay eedeymo la xiriirta xil gudasho la’aan iyo in Madaxweyne kuxigeenka ku xadgudbay dastuurka.

Maalinta berri ayaa la filayaa in cod loo qaado mooshinka kalsooni kala noqoshada we laga keenay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey.

Dhinaca kale Guddoomiye kuxigeenka 1aad Xareed Cali Xareed ayaa ku dhawaaqay in la sameeyay Guddiga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, isagoo tilmaamay in la dhisay Guddi ka kooban 11 xubnood, kuwaasoo ka soo shaqeynaya howlaha doorashada.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug qeybta ku sugan Dhuusamareeb ayaa khamiistii la soo xilka ka qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka Cali Gacal Casir, iyadoo qeybta kale ee Cadaado ku sugan ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=67233

Posted by on Sep 16 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...