|

Kooxda Al-shabaab oo deegaano cusub ka qabsatay Puntland iyo wararkii ugu dambeeyay-Akhriso

Boosaaso (Horufadhi News)-Xoogag taabacsan Al-Shabaab ayaa lagu arkay tuulooyin hor leh oo hoos taga Buuraleyda Galgala ee gobolka bari, halkaasoo la sheegay in aysan horey u joogin.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay soo wajahday cabsi badan oo ku aadan In Al-shabaab ay dhibaato kala kulmaan ama halkaasi uu dagaal ku dhexmaro ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya tan iyo xalay ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan laga dareemayay Gobolka Bari, kaasoo ay sameynayaan ciidamada Puntland.

Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho amnigooda ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo laga cabsi qabo weeraro ay Al-Shabaab iyo Daacish halkaasi ka geystaan.

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa sidoo kale sheegay inay howlgalo ka sameeyeen degaanada xeebta dhaca, una dhaw degmada Garacad ee Gobolka Mudug kadib markii ayay yiraahdeen ay heleen xog ku aadan weeraro soo fool leh.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=67145

Posted by on Sep 14 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...