|

Daawo:-Maxaa ka jira in Jeelka lagu dhex jirdilo Cabdi iley iyo warar ku saabsan Maxakamadii maanta lasoo taagay-Video+Warbixin

Jigjiga (Horufadhi News)-Madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi iley) ayaa maanta la soo taagay maxkamad ku taal magaalada Addis Ababa, isagoo ku eedeysan fal dambiyeed ka dhan ah bani’aadanimada intii uu hayay talada maamulka deegaanka Soomaalida.

Cabdi iley ayaa Maxkamadda lala soo taagay xubno ka ka tirsanaa maamulkiisa hore, waxaana la bilaabay dhageysiga dacwada loo heysto

Kaaliyadda Maxkamadda ayaa la sheegay inuu su’aalo weydiiyay Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnaha la xiran waxyaabaha ay ka cabanayaan oo ah haddii ay jiraan jirdil loo geystay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wararka ayaa sheegaya in Cabdi iley uu dalbaday in loo hagaajiyo cunnada la siiyo, waxaa uu tilmaamay in wax laga qabto in hanjabaad ay kala kulmaan ciidanka gacanta ku haya xabsiga uu ku xiran yahay.

Xeer Ilaalinta Itoobiya ayaa 14 cisho dheeraad ah siisay dacwad oogayaasha inay ku soo dhameystaan dacwada lagu soo oogay, si ay u soo dhameystiraan Kiiska Qabyada ah.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=67194

Posted by on Sep 14 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...