|

Daawo:-Duufaanta Florence oo ku dhufatay Goballo badan oo Maraykanka ah iyo wararkii ugu dambeeyay-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Duufaantan ayaa kusoo aaday xilligii la saadaaliyay galinka dambe ee maalinta khamiista ah kuna dhuftay gobolka North Carolina.

Waxay sheegen inay filayeen daa’dad nolosha khalkhalgelinaya oo ka dhasha roobabka iyo dabeylaha sare u sii kacaya.

Xarunta qaran ee duufaannada Maraykanka ayaa sheegtay in Duufaantan ay ku socoto xawaare aad u sarreeya oo aan kala go’ lahayn islamarkaasna ay halkii saacba ay jareyso dhul ballaaran oo dhan 165 kiloomitar

Waxayna intaasi ku dartay in ay filayso in isbedel yar uun ku yimaaddo inta aysan gaarin xeebaha.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

In ka badan 1.7 milyan oo ruux ayaa la qorsheynayaa in laga daad gureeyo gobollada South iyo North Carolina, maryland iyo Virginia.

Mike Sprayberry oo ah madaxa ha’yadda North Carolina Emergency Management, oo dadka ka caawisa sida ay uga jawaabi lahayeen masiibooyinka inay khibrad ka heleen duufaantii dhacday sanadkii 2016-kii ayna yaqaanan sida loo daad gureeyo dad aad u tiro badan.

Madaxweyne Trump ayaa saxiixay amarro badan oo ku aaddan gurmadka degdega ah, wuxuuna sheegay inuu la hadlay dhammaan barasaabyada gobollada ay saameynta ku reebi karto duufaanta.

Ciidammada badda ee Mareykanka ayaa 30 markab u diraya badda si ay xaaladda ula socdaan islamarkaasna uga qayb qaataan dadaallada samata bixinta waa haddii duufaanta ay xeebaha dalkaasi ku dhufato.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=67148

Posted by on Sep 14 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • mohamuud: soomaalidu waa caddow carabtuna waa walaalaheen?
  • mohamuud: iibsashada licence ka
  • mohamuud: war dadka waxba uma haysaane xaraash macnahheda malaha ma garanaysaan 20% hadii laina siiyo faaidaan qabnaa...
  • Rasta buuni: Ok
  • Turab: Bismillaah Hey`adan, waxan ay iska qortay, xaga Somaliya 99.9% waa mala awaal. Ilaa dawladii Carta, waa...