|

Akhriso:-Gabdho walaalo ah ku geeriyooday Deegaan kamid ah Puntland markii lagu sameeyay Gudniinka-Warbixin

Gaalkacyo (Horufadhi News) – Laba Gabdhood oo walaalo ah ayaa ku geeriyooday deegaan ka mid ah Puntland, kadib markii lagu sameeyey Gudniinka fircooniga, sida ay sheegtay Xaawa Aadan Maxamed oo u dhaqaaqda ka hortagga gudniinka.

Aasiya Cabdi Warsame oo toban jir ahayd iyo walaasheed Khadiija oo 11 jir ahayd ayaa geeriyooday maaalin un kadib markii lagu guday xaafadda Arawda oo ka tirsan Puntland, 11-kii September, sida ay sheegtay Xaawa oo mamusha xarunta waxbarashada ee abadda iyo horumarka ee Gaalkcyo.

Sida ay sheegtay Xaawa, labada gabdhood ayaa dhiig-baxayey 24 saac kadib markii la guday, waxaana ay dhinteen markii ay hooyadood u qaaday isbital.

“Nasiibdarro ma aysan gaarin isbitaalka, waxaana ay dhinteen intii ay waddada ku jireen” ayey tiri Xaawa oo ku baaqday in dowladda ay soo saarto sharci mamnuucaya gudniinka.

Dhacdadan ayaa timid laba bilood kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay sharciga la tiigsan doonto dadkii ka dambeeyey dilka gabar 10 jir ahayd oo sidoo kale gudniinka fircooniga ugu geeriyootay deegaan ka mid ah Puntland.

Gabadhaas oo lagu magacaabay Deeq Daahir Nuur ayaa geeriyootay laba maalmood kadib markii la guday 17-kii July, waxaana ay geeriyootay ayada oo dhaqaatiir ay isku dayayeen inay bad-baadiyaan.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=67132

Posted by on Sep 14 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...
  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...