|

Daawo Waraysi:-Micheal Keating oo shaaciyey Salka Khilaafka Dowladda iyo Maamul Gobaleedyada iyo aragtidiisa Shirkii Kismaayo-Video

Muqdisho (Horufadhi News) – Ergeyga sii baxaya ee QM u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa shaaca ka qaaday in sababta ay isku khilaafaan hogaamiyayaasha Soomaalida ay tahay is-aaminaad la’aan ka dhex jirta, taasi oo caqabad ku noqotay horumarkii dalka.

Keating oo xafiiska ka tageyga kowda bisha October – Waxaa beddelay Nicholas Haysom oo u dhashay South Afrika –  ayaa sheegay in horumar laga sameeyey in dhinacyada ay isku raacaan hanaanka amniga qaranka, balse dhibaatooyin siyaasadeed ay diidan yihiin in Soomaaliya ay hore u dhaqaaqdo.

“Halka aan isleeyahay dhibaato ayaa ka jirta weli waa is-aaminaad la’aan siyaasadeed oo ka dhex jirta madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada, xilli doorashooyin ay soo siqayaan” ayuu Keating ku yidhi.

HALKAN KA DAAWO WARAYSI

Keating ayaa ugu baaqay labada dhinac inay isku tanaasulaan, waxaana uu ka digay in haddii aan sidas la sameyn ay taasi walaac ku abuuri doonto beesha caalamka iyo saaxiibada Soomaaliya.

“Haddii waxyaabaha qaar ay ka sameyn karaan tanaasul, taasi waxay u faa’iideyn doontaa dhammaan dadka Soomaalida iyo maal-gelinta ay beesha caalamka dooneyso inay ku sameyso Soomaaliya” ayuu yiri Keating.

Waxa uu sheegay in hadidii heshiis iyo isku tanaasul aysan sameyn karin madaxda Soomaaalida ay beesha caalamka walaacin doonto taas, ayna adkaan doonto inay waqti iyo dadaal geliyaan xalka Soomaaliya.

Keating ayaa nasiib darro ku tilmaamay go’aankii ay qaateen madaxda maamul goboleedyada ee ay toddobaadkii tagey ku hakiyeen wada-shaqeyntii ay la lahaayeen dowladda federaalka.

“Waa arrin nasiibdarro ah, waxaana rajaynayaa in deg deg loo saxo qaladkaas, oo ay madaxda maaamullada ogolaadaan inay la kulmaan madaxweynaha, ayaga oo aqbalaya casuumaddiisa, oo ay dhinacyada fariistaan kana hadlaan danta Soomaaliya” ayuu yiri Michael Keating.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=67183

Posted by on Sep 14 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...