|

Mukhtaar Rooboow oo u tartamaya qabashada xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo horay u soo noqday ku-xigeenka Amiirka Xarrakada Al-shabaab, laakiin  sanadkii 2017da si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ka baxay Ururka, ayaa hadda isku diyaarinaya in uu ka mid noqdo musharixiinta u taagan doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mukhtaar Rooboow ayaa xalay ka soo muuqday kulan magaalada Muqdisho uu kula yeeshay guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed doorashada bisha 11 sanadkan ka dhici doonta magaalada Baydhabo.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay musharixiin oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Farkeeti wasiirkii hore, Yusuf Baadiyow iyo Aamino Mursal.

Musharixiintan dhamaantood marka la eego waxaa ay u muuqdaa kuwo ku mideysan in tallada maamulka Koonfur Galbeed kala wareegaan Shariif Xassan Sheekh Aadan oo dhinaciisa siweyn ugu diyaar garoobo doorashada iyo in mar kale uu hoggaamiyo maamulka Koonfur Galbeed.

Mukhtaar Rooboow oo laga saaray Liiska Argagixisada Mareykanka ayaa wada kulamo uu la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada isaga oo doonaya in uu isku soo taago doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=67102

Posted by on Sep 13 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • mohamuud: soomaalidu waa caddow carabtuna waa walaalaheen?
  • mohamuud: iibsashada licence ka
  • mohamuud: war dadka waxba uma haysaane xaraash macnahheda malaha ma garanaysaan 20% hadii laina siiyo faaidaan qabnaa...
  • Rasta buuni: Ok
  • Turab: Bismillaah Hey`adan, waxan ay iska qortay, xaga Somaliya 99.9% waa mala awaal. Ilaa dawladii Carta, waa...