|

Daawo:- Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abi Axmed oo markii ugu horaysay ka hadlay Calanka Soomaali Galbeed ee sidiisii hore lagu soo celiyey lana badelay-Video

Muqdisho (Horufadhi News) – Ra’isal wasaaraha Itoobiya calanka dartii aan loo baahneen iney rabshado iyo iska horimaadyo dalka uga dhacaan.oo qaar ka mid ah warbaahinta dalka la hadlay ayaa wuuu sheegay in

Bilihi la soo dhaafay muwaadiniinta dalka Itoobiya waxay bannaan baxyada ay sameeynayeen u adeegsanayeen calamo kala duwan oo isugu jira kan dalka oo dhowr nooc ah.

Maalinti shalay ahaydna waxaa magaalada Addis Ababa isku gacan qaaday taageerayaasha jabhadda oromada ee OLF iyo dhalinyara ka soo horjeedda. Taageerayaasha jabhadda oromada ee OLF oo isku dayay calanka dalka meela uu ku buufsanaa iney ku beddelaan calanka jabahadda OLF ay leedahay halkaasina iska horimaad uu ka dhashay.

Booliska dalka Itoobiyana waxay sheegeen iney jiraan dhaawacyo rabshadahaasi ay sababeen.

Sabtida ayaa lagu wadaa iney jabhadda OLF in magaalada Addis Ababa si rasmi ah looga soo dhaweeyo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dr Abi Axmed wuxuu sheegay calanku inuu yahay astaan uu dal ama xisbi siyaasadeed uu u adeegsado in lagu aqoonsado, cid walbana waxay xaq u leedahay iney aragtida siyaasadeed ee ay aminsan tahay ay si xor ah u soo bandhigto, xorriyaddaasina waxaa ka mid ah calanka.

Mareykankaba wuxuu calankiisu beddelay ilaa iyo 13 jeer marka Itoobiyana haddii ay muwaaddiniintu dalka raalli ka noqdaan waa la beddeli karaa.

wuxuu ra’isal wasaaruhu sheegay “in loo baahan yahay in laga fikiro oo keli sidi aan dalka horumar u gaarsiin laheen, noolasha dadkana aan wax uga beddeli laheen”.

“Mana aha inaan ku mashquulno waxyaabo aan dalka wax ku soo kordhineyn oo weliba burbur u horseedi kara”.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=67125

Posted by on Sep 13 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...