|

Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee xarunta u ah Dowladda Itoobiya-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ku wajahan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Addis Ababa ayaa ku wajahan ka qeyb galka shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD, oo markii u horeysay muddo 10 sano ay xubin ka noqoneyso dowladda Eritrea.

Shirka Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu saxiixi doonaa heshiis ay dib mar kale uga mid noqoneyso dowladda Eritrea, kaddib markii laga saaray xubinimada IGAD sanadkii 2007-dii.

Colaadii u dhaxeysay Itoobiya iyo Eritrea ayaa sabab u aheyd in Eritrea ay laga takooro gobolka oo dhan, isla markaana ay isaga baxdo Ururada Midowga Afrika iyo IGAD.

Is bedelka ka dhacay Gobolka iyo dib u heshiisiinta dowladaha Eritrea iyo Itoobiya oo dib u soo celiyay xiriirkooda diblomaasiga ahaa ayaa keenay in mar kale Eritrea ka soo muuqato saaxada gobolka, lana gaaro heshiis nabadeed oo gobolka lagu soo dabaalo.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=67085

Posted by on Sep 12 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • mohamuud: soomaalidu waa caddow carabtuna waa walaalaheen?
  • mohamuud: iibsashada licence ka
  • mohamuud: war dadka waxba uma haysaane xaraash macnahheda malaha ma garanaysaan 20% hadii laina siiyo faaidaan qabnaa...
  • Rasta buuni: Ok
  • Turab: Bismillaah Hey`adan, waxan ay iska qortay, xaga Somaliya 99.9% waa mala awaal. Ilaa dawladii Carta, waa...