|

Daawo:-Taliyaha Ciidanka Federaalka Itoobiya oo beeniyey in jeelka lagu dhex garaacay Cabdi iley Madaxweynihii hore-Video

Jigjiga (Horufadhi News)-Ehelada iyo Qoyska madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ku eedeeyay ciidamo ka tirsan Booliiska federaalka Itoobiya in ay jir daran u geysteen madaxweynihii hore Ismaamulka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.

Sadiiqa Cabdi Ismaaciil oo ah xaaska madaxweynihii hore ayaa sheegtay in ay idhahooda ku arkeen ciidamo ka tirsan Booliiska federaalka oo si adag u jir dilaya madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar xili ay isku dayeen in ay qado ugu geeyaan goobta ama jeelka uu ku xiran yahay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

‘’Jaran karo ayeey ka tureen annaga oo arkeyna, Budhadh ayeey madaxa kala dhaceen, dhulka ayeey ku jiideen isaga oo qeylinaya, hooyadii ayaa isku deyday in ay ka fujiso, iyadii-na meel halkaa ah ayeey ku tureen, kaddib sidii ay u jiidayeen ayeey isaga oo miir la’a ku rideen muqul ayeey tiri’’ Sadiiqa Axmed Ismaaciil.

Sidoo kale hooyadii oo la hadashay warbaahinta ayaa iya-na sheegtay in ay aragtay wiilkeeda Cabdi Maxamuud Cumar oo la jirdilay, waxaana ay intaa ku dartay in waqtigan aysan hubin in uu nool yahy iyo in kale.

‘’Waxaan ku dhahnay haddii uu nool yahay na tusa, haddii uu dhintay-na meydkiisa na siiya aan aasanee, labaduba wey inoo diideen,’’ ayeey hadalkeeda sii raaciisay.

Laakiin taliyaha guud ee ciidamada federaalka Itoobiya oo arintan wax laga weydiiyay ayaa beeniyay oo sheegay in uusan jirin wax jir dil ah, xaaladiisa caafimaad-na loo diyaariyay kalkaaliyayaal ku sugan gudaha saldhiga oo xitaa u diyaarsan ayuu yiri in ay xarun caafimaad u gudbiyaan haddii uu tabanayo xannuun daran.

Lamo oga wax ka run ah eedeymaha qoyska Cabdi Maxamuud Cumar iyo beenninta taliska Booliiska federaalka Itoobiya.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=67072

Posted by on Sep 11 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.