|

Daawo:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo mooshin laga keenay iyo Jaahwareerka taagan-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa aqbalay qabashada mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Xildhibaannada mooshinka ka keenay guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa ku eedeynaya in uu gabi ahaanba baalmaray kana soo bixi waayay howlihii loo idmaday sidaa daraadeed la gaaray sida ay hadalka u dhigeen waqtigii lala xisaabtami lahaa.

Lama oga tirade rasmiga ah ee mooshinkan soo gudbisay hadda ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay saxiixeen tiro ka badan 80 xildhibaan .

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ma’aha markii ugu horeysay oo baarlamaanka Galmudug sidan oo kale mooshin ka keeno guddoomiye Cali Gacal Casir, waxaase marar badan oo hore fashilmay isku day la doonayay in xilka looga qaado.

Mooshinkan ayaa loo maleynayaa in uu soo dadajiyay hadalkii maalintii shalay guddomiye Casir uu ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga Afaraad ee golaha Shacabka Soomaaliya isaga oo siweyn u weeraray go’aankii hoggaamiyayaasha dowlad gobolleed-yada ee ka soo baxay shirkii Kismaayo.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=67080

Posted by on Sep 11 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.