|

Daawo:-Madaxweynaha cusub ee DDSI oo ka hadlay sida uu ula dhaqmayo Dadka mucaaradsan-Video

Jigjiga (Horufadhi News)-Madaxweynaha cusub ee dawlad Degaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar ayaa sheegay inuu ku dadaalayo qancinta qof kasta oo mucaaradsan maamulkiisa

Waxaa uu intaa ku daray in haddii ay taasi suuragali wayso aan cidna loo qabsanaynin iney isaga wax ka sheegto ama mucaarado.

“Dadku inay cawdaan, cagajugleeyaan, car wakaase yidhaahdaan waa wax ilaahay lagu mahadiyo iyo xoriyad inoo soo korodhay. Waa bilawgii hanaanka dimooqraadiyadda ee aynu u oomaneyn, waan ku dadaalaynaa inaan qancino dadkoo dhan laakiin cidaan qancin kari wayno layn mayno, xirinna maynee waan ogolaanaynaa inay na xagxagato” ayuu yiri Madaxweynaha oo barta uu Facebook ku leeyahay ku soo qoray hadalkan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay caasimadda Jigjiga iyo deegaanno kalaba ay ka socdaan shirar iyo kulamo ay qabaa’illadu uga arrinsanayaan sidii ay uga dhex muuqaan lahaayeen xukuumadda cusub ulana jaanqaadi lahaayeen isbedelka socda.

Waxaa jira walaac laga qabo in dadka qaar ay xoriyadda hadalka u isticmaalaan si aan munaasab ahayn.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=66688

Posted by on Aug 31 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...
  • Abdi: Mayarkaas Hargeisa wax baa ka jira. Media-hu waa weriyey in “Bisad Suulli Ku Dhacday La Badbaadiyey oo...
  • Rasta buuni: Rasta
  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.