|

Buuhoodle Ururka Aqoonyahanka G.Cayn oo Qabtay Kulan lagu shaaciyey Arday ay siiyeen deeq waxbarasho-Sawiro

Buuhoodle (Horufadhi News)-Ururka Midowga Aqoonayahanka ee gobolka Cayn (Ayn Academic Union ) oo ay ku midaysan yihiin aqoon yahano u badan dhalinyaro oo u dhashay gobolka Cayn ayaa magaalada Buuhoodle ku qabtay munaasibad weyn oo lagu shaacinayey arday ku guulaysatey deeq waxbarasho oo ururku siiyey 20 Arday oo laga bixinayo kharashka waxbarashada dugsiga sare.

Deeqdan waxbarasho oo ururku ugu talagalay ardayda kaalmaha hore ka galay dugsiyada dhexe sanad dugsiyeedkii lasoo dhaafay ayaa kharasha ku baxaya laga bixinayaa qaaraan sanadeed ay iska aruuriyeen xubnaha ururka ku midaysan oo 200 kor u dhaafay. Labaatanka Arday ee noqday kuwii ugu horeeyey oo ururku ka bixinayo waxbarashadooda dugsiga sare oo ka kooban wiilal iyo gabdho ayaa ka kala yimi dugsiyo kala duwan oo ku yaala gobolka Cayn sida Buuhoodle, Widhwidh, Xadhadhan, Balicad iyo deegaano kale oo gobolka Cayn ah.

Ururka aqoonyahan ka gobolka Cayn oo ay mudo kooban dhisan ayaa bulshada gobolka Cayn si weyn ugu bogaadiyeen talaabada waxtar ka leh ee uu ururku u qaaday horumarinta bulshada. Masuuliyiinta ururka ayaa sheegay in deeqdani noqon doonto midii ugu horeysey balse aysan ahayn tii u danbaysey oo sanad walba ururku arday cusub siin doono deeq waxbarasho iyadoo ardaygana lagu xulan doono derejadda uu aqoontiisa ku keensado.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=66697

Posted by on Aug 31 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...
  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...